Recents in Beach

horta nolol ma u ogolaa?



Nin ayaa waxa uu hooyadii, walaalihii iyo dadkale oo ay jaar ahaayen ku dilay xuurto ama ceejin, ninkii danbiilaha ahaa waxa qabtay ciidamada maraykanka waxa ayna u taxaabeen xabsi. ninkii marka la xukumay ayaa nin ku takhasusay cilmi nafsiga uu gu’aansaday inuu waraysto, codsi badan kadib dawlada maraykanka ayaa ka ogolaatay inuu waraysto, markii uu arkay ayaa waxa indhihiisu waxa ay ka marag kaceen inuu ninkan danbiilaha ahi yahay ruux allah xoog iyo dherar u dhaliyay, ta kasii yaabisay baa ahayd in ninkani uu caqli badan yahay oo maskixiyan IQ-giisu yahay 160, waraysigiisi ayuu bilaabay kadib ayaa waxa uu waydiiyay horta maanad ka damqan ama ka murugoon inaad waxaas oo dad ah disho waliba adiga oo si naxariis daro ah nafta u dhaafiyay?
ninkii danbiilaha ahaa isma dhibin e wuxuu kusoo gaabiyay horta nolol miyaan u ogolaa sow kama horayso?

 

Hadii aad aragto busho dhiban oo siyaasigii ama qofkii masuulka ka ahaa uuna dan iyo muraad toona ka galayn, waxa is waydiin mudan horta qofkani inuu wax u qabto iska dhaaf e, ma u ogol yahay inay si sharaf leh ugu nolaadan dhulkan korkiisa.

 

W/Q: suhayb caska 

Post a Comment

0 Comments