Sadex nin ayaa la noola sadex xanuun oo kala duwan, “mid wuxuu qabay baras, midna bidaar ama cudurka timaha khafiifiya halka ka kale uu indho la’aa”, allah ayaa gu’aan saday inuu imtixaamo sadexdaas ninba.
Malag ayaa lasoo diray leh qaabki
dadka oo kale, waxa uu ku horeeyay kii barasta lahaa, waxa uu waydiiyay, maxaad
u bahnaan lahayd inaad hesho, waxa uu ku jawaabay in allah midab qurxoon iigu deeqo, xanuunkan maqaarka
igaga dhacay ee dadku igu dhibsanayana iga kor-qaado, Malaga ayaa waydiiyay
maxaa kale oo aad codsan lahayd, waxa uu ku jawaabay in la i siiyo neef geel ah, Malagii ayaa gacanta mariyay
kadibna allah wuu ka qaaday cudurkii, waxa uuna allah siiyay hal irmaan.
Malaga ayaa wuxuu u tagay ninkii
bidaarta lahaa ama cudurka timaha daciifiya, waxa uuna waydiiyay suaalihii uu
waydiiyay ninkii barasta lahaa oo kale, wuxu ku jawaabay in allah timo qurux
badan siiyo, waxa kele oo uu codsaday neef sac ah oo irmaan, allah-na codsigii
waa u aqbalay oo loogu deeq wuxuu dalbaday.
Malaga ayaa wuxuu u tagay ninkii
indhaha la’aa, waxa uuna waydiiyay suaalihii uu waydiiyay labadii nin ee hore
oo kale, wuxu ku jawaabay in allah indhaha usoo celiyo, waxa kele oo uu
codsaday neef adhi ah oo irmaan, allah-na codsigii waa u aqbalay oo loogu deeq
wuxuu dalbaday.
Mudo markii laga joogay oo
raggaas xolahii u tarmeen ayaa malagii kusoo laabtay mar kale isaga oo iska
dhigaaya nin socoto ah, sadexdii nin ayuu mid walba si gaar ah ugu dan sheegtay
oo waxa uu dhahay nin safar ah oo sahaydii ka go’day baan ahay e, hal neef oo
aan ku jid-maro igu caawi, ninkii barasta lahaa iyo kii timaha la’aa waa ay
diidan iyaga oo u sheegay inay maalkan tabceen, malagii waxa uu ku habaaray
hadii ay been sheegayaan in allah ka qaado xoolaha oo sidoodii ku celiyo.
Ninka isagu indhoolka ahaa wuxuu
ku yidhi wixii meesha aad rabto ku gaadhsiin
kara kala bax xoolahaygaa, malagii ninkan wuu u duceeyay. Labadii kalena waxa kusoo
laabtay xanuunkii beenta ay sheegen awgeed, gacan adayga iyo beentu qofka allah
way ka fogaysaa dadka aad la nooshahayna way kaa dhex saarta.
0 Comments